Isku xirrada

Djibouti: Daahir A. Faarax oo la Xukumay


Daahir Axmed Faarax oo ahaa Afhayeenkii xisbiga mucaaradka ee ka qeyb galey doorashadii baarlamaanka ee Djibouti ayaa labo bilood oo xariga lagu xukumay. Xariga siyaasigan ayaa sabab looga dhigay inuu qalalaase dalka ka abuuray.

Maxkamadda ayaa sii deysay dhowr qof oo kale oo dacwado sidan oo kale ah loo haystay.

Dhinaca kale, qareenka u dooda Daahir A. Faarax iyo dadka kale ee dacwaddan loo haysto ayaa sheegay in xukunku uu ahaa mid aan caddaalad ahayn.

Wareysigan oo uu qaaday wariyaha VOAda ee magaalada Djibouti Ramadan Muuse, qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG