Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pope Francis oo Noqday Madaxa Roman Catholic


Wadaadada Kaniisadda Roman Catholic ayaa hoggaamiyaha kaniisaddaasi u doortay Jorge Bergoglio oo ah baadari ka soo jeeda magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina.

Bergoglio waa 76 jir, waxaana loogu yeeri doonaa magaca POPE FRANCIS.

Waa markii ugu horreysay oo baadari ka socda qaaradda Koonfur America uu qabto xilka hoggaanka madhabta Roman Catholic oo ay ku xiran yihiin dad gaaraya 1.2 Billion oo dunida dacaladeeda ku nool.

POPE FRANCIS wuxuu baddali doonaa baadarigii hore ee Pope Benedict oo 85 jir ahaa kaasoo jagadaasi iska casilay bishii hore.
XS
SM
MD
LG