Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti: Natiijada Doorashadii Baarlamaanka oo lasoo Saaray


Golaha dastuurka Djibouti ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashooyinkii baarlamaanka ee dhacay bishii hore. Xisbiga talada haya ayaa helay 55 kursi halka mucaaradku heleen 10 kursi.

Mucaaradka Djibouti oo horey uga diiday natiijadi hor-dhaca ahayd, ayaa VOA u sheegay inaysan natiijadan ogolaan doonin.

Dhinaca kalena, maxkamad ku taalla magaalada Djibouti ayaa maanta waxaa la keenay Daahir Axmed Faarax oo ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaaradka, oo lagu eedeynayo inuu abaabulay dibadbax markii ay soo baxeen natiijadii hordhaca ahayd.
XS
SM
MD
LG