Isku xirrada

Mareykanka oo Abaal Marin Siiyay Fartuun Cabdisalaan


Fatuun Cabdisalan

Fatuun Cabdisalan

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Jimcihii gudoonsiisay abaal marinta caalamiga ah ee haweenka ku dhiirada ama qatarta naftooda u geliya inay u istaagaan xuquuqda dumarka.

Xaflada lagu qabtay magaaladan Washington ayaa waxaa abaal marinta lagu gudoonsiiyay ilaa iyo sagaal dumar ah oo ka kala socday sagaal wadan.

Haweenka abaal marinta la gudoonsiiyay waxaa ka mid aheyd Fartuun Cabdisalaan Xaaji Aaden madaxa xarunta xuquuqda aadanaha ee Eleman ee magaalada Muqdisho.

Hadaba warbixin ku saabsan xafladii gudoonsiinta abaal marinta iyo wareysi ay VOAdu la yeelatay Fartuun Cabdisalan halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG