Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahiga oo u Hanbalyeeyey Haweenka Soomaalida


Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa munaasabada maalinta haweenka ee 8 Maarso hanbalyo u diray dhamaan haweenka caalamka gaar ahaan haweenka soomaaliyeed.

Mahiiga ayaa hadal qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in sanadkan ay Qaramada Midoobay ku baaqayso in la qaado talaabo lagu dhameynayo rabshadaha ka dhanka haweenka iyo gabdhaha, iyadoo la adeegsanayo siminaaro, bandhig faneedyo iyo baahinta heeso kor loogu qaadayo wacyi gelinta.

Ergayga Gaarka ah ee QM ayaa sheegay in ay u dabaaldagayaan hormarka laga gaaray dhiirigelinta haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan doorashadii 35ka haweenka ah loogu doortay inay ka mid noqdaan xubnaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, hase ahaatee waxa uu Mahiga xusay in weli ay jiraan haween ku dhibaataysan gudaha Soomaaliya iyo kuwo ay soo wajahaan xadgudubyo iyo takoorid.

Mahiga ayaa sheegay in xadgudubyada ka dhanka ah haweenka ay yihiin kuwo weli si cad uga dhaca Soomaaliya, islamarkaana ay muhiim tahay in dhamaan eedaha la xiriira kufsiga iyo xadgudubyada lagula kaco haweenka si buuxda loo baaro, kuwa tacdiyada gaystana sharciga la horkeeno.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in haweenka oo laga hor istaago kaalintooda siyaasadda iyo bulshada ay tahay takoor wayn iyo xuquuqdooda oo lagu xadgudbay, Mahiga ayaa intaa ku daray in haweenka aan weli kaalin muuqata laga siin dhanka go’aan ka gaarista arrimaha dalkooda, taana ay ka dhigan tahay ku tumasho xuquudooda iyo fursad ka luntey dhanka horumarka Soomaaliya

Augustine Mahiga ayaa sheegay in Soomaaliya ay haatan gashay xilli cusub oo siyaasadeed, ayna fursad u tahay in haweenka Soomaalilyeed ay kaalin muuqata ku yeeshaan isabadelka iyo dib u soo nooleynta dalka.

Ergaygu waxa uu xusay in dib u eegista ay dowladdu ku sameynayo Dastuurka Soomaalilya ay fursad wayn u tahay kor uqaadidda doorka haweenka, isagoo ugu baaqay dowladda in laga dhabeeyo balantii ahayd in 30% haweenka Soomaaliyeed ay ka helaan xubanaha baarlamaanka Soomaaliya, taasoo awood u siinaysa inay ka qayb qaataan dhismaha dalka iyo inay xubno matala haweenka ku yeeshaan hay’adaha siyaasadda

Mahiga ayaa ugu danbeynta bogaadiyey dadaalka aan joogsiga lahayn ee dhamaan haweenka iyo gabdhaha soomaaliyeed,isagoo u rajeeyey inay maalinta caalamiga ee haweenka nabadgalyo ku dabaaldagaan.
XS
SM
MD
LG