Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wisconsin: Soomaali ku Dhimatay Shil Baabuur


Alle ha u naxariistee labo nin oo Soomaali ah oo waday gaari xamuul ah ayaa dhintay ka dib markii uu gaarigii kula dhacay wabiga Red Cedar ee gobolka Wisonsin ee Maraykanka. Labada marxuum ayaa lagu kala magacaabaa Badru-diin Cali Siyaad iyo Maxamed Dhabarey.

Maxamed Dhabarey waxa la aasay Arbacadii shalay, halka Bardu-diinna maanta oo Khamiis ah la aasi doono.

Wareysi ay Idaacadda VOA arrintan kala yeelatay Caseyr Shidane Cabdi hoosta ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:04 0:00
XS
SM
MD
LG