Isku xirrada

War Deg-Deg ah

GAQM oo Qaaday Cunaqabataynta Hubka ee Somalia


Golaha Amniga ee QM ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in qeyb ahaan la qaado cunaqabateynta hubka ee dalka Soomaaliya muddo hal sano ah.

Qaraarkan cunaqateynta lagu qaaday oo tirsigiisu yahay 2093 ayaa waxaa taageeray 15 dowladood.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay in cunaqateynta hubka la qaado si ay u dhisto una tayayso ciidankeeda, waxaana talaabadaasi ku taageeray dowladda Maraykanka.

Golaha Amnigu wuxuu ogolaaday in hubka fudud laga iibin karo ciidamada Soomaaliya si dib loogu dhiso isla markaana maamulka dowladda lagu baahiyo goobaha dhawaan laga qabsaday kooxaha Islaamiyiinta.

Cunaqabteynta hubka waxaa Soomaaliya la saaray sannadkii 1992, sannad ka dib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaad Barre.

Golaha Amnigu wuxuu sidoo kale ogolaaday in howlgalka ciidamada Midowga Afrika wakhtiga loo kordhiyo tan iyo ilaa dhammaadka bisha Febraayo 2014.
XS
SM
MD
LG