Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Xayiraadda Hubka oo Go'aan laga Gaarayo


Golaha Amniga ee QM ayaa maanta la filayaa inuu cod u qaado qaraar ku saabsan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalbanaysa in cunaqateynta laga qaado si ay u tayayso ciidamadeeda ugana adkaato kooxda Al-Shabaab, balse qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ayaa aragtiyo kale duwan ay ka soo baxayaan.

Dublomaasiyiin u waramayay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegay in dowladda Maraykanku ay taageersan tahay dalabka dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in cunaqabateynta la qaado, balse Britain iyo Faransiiska ayaa shaki ka muujinaya in cunaqabateynta laga qaado dal awalkii horeba uu hub ka buuxay.

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka hadlayay magaalada Doxa ee dalka Qadar, ayaa sheegay inuu filayo in cunaqateynta hubka uu Goluhu maanta qaadi doono, wuxuuna difaacay sababta ay u doonayaan in cunaqabateynta la qaado.

Warbixin ku saabsan cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya halka hoose ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:11 0:00
XS
SM
MD
LG