Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hugo Chaves oo ku Geeriyooday Venezuela.


Madaxweynihii Venezuela Hugo Chavez ayaa ku geeriyooday caasimadda Venezuela ee Caracas Talaadadii shalay.

Madaxweyne kuxigeenka, Nicolas Maduro ayaa hadalkan si rasmi ah uguga dhawaaqay TV-ga dalkaasi.

Mr. Maduro ayaa Talaadadii shalay ku eedeeyay wuxuu ku tilmaamay cadowga Chavez inay madaxweyne ku rideen cudurka kansarka, balse ma sheegay sida ay taasi u dhacday. Sidoo kale, Venezuela waxay dalkeeda ka cayrisay laba diplomaasiyiin Maraykan ah oo ay ku eedeysay inay la kulmeen saraakiil militari isla markaana ay maleegayeen inay qalalaase xukuumadda galiyaan.

Hugo Chaves ayaa muddoba la ildarnaa cudurka cancer-ka, waxaana uu dhawaan ku noqday dalkiisa kadib markii qaliin lagu sameeyay dalka Cuba.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa dadka ugu baaqay inay daganaan muujiyaan, waxaana Chavez la aasi doonaa maalinta Jimcaha.

Hugo Chavez wuxuu ahaa 58 jir, wuxuuna xilka Venezuela qabtay sannadkii 1999 kadib markii uu ku guuleystay doorashooyinki 1998.

Hugo wuxuu si weyn u dhaliili jiray siyaasadda Maraykanka, wuxuuna xiriir dhow la lahaa dalalka Iran, Cuba iyo Syria.
XS
SM
MD
LG