Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenyatta oo Weli ku Horeeya Doorashada Kenya


Uhuru Kenyatta oo codkiisa dhiibanaya dad taageersanna ay ku wareegsan yihiin.
Uhuru Kenyatta oo codkiisa dhiibanaya dad taageersanna ay ku wareegsan yihiin.
Natiijooyinka KMG ah ee ka soo baxaya doorashada qaran ee dalka Kenya, ayaa muujinaya in Uhuru Kenyatta uu hogaaminayo tirinta codadka doorashada madaxtinimo.

Iyada oo boqolkiiba 50 la tiriyey codadkii Talaadan maanta, ayaa waxaa la soo werinayaa in weli uu Mr. Uhuru Kenyatta 53% ku hogaaminayo ninka ay tartanka kuwada jiraan ee Raila Odinga oo isagu haysta 41%

Madaxa ololaha doorashada Mr. Odinga, ayaa VOA-da u sheegay in ra’iisul waarahu uu soo gaari doono Kenyatta, marka la tiriyo codadka gobalada ay taageerayaashiisu ku xooggan yihiin.

Qaar ka mid ah dadka Kenya ayaa baraha bulshada ee internetka ku muujiyey walaaca ay ka qabaan hanaanka gaabiska ah ee loo tirinayo codadka, iyo kororka tirada codadka la diiday.

Guddiga Doorashada ee Kenya ayaa sheegay in, tiro ka badan 300,000 kun oo cod la diiday. Guddoomiyaha guddiga Ahmed Isaack Hassan, ayaa soo jeediyey in codadkaas si qaldan loo calaamadeeyay ama sanduuq qaldan lagu riday.

Ahmed Isaack Hassan ayaa ku baaqay in daganaan iyo dulqaad la muujiyo inta ay socoto tirinta codadku.

Ilaa 14 milyan oo reer Kenya ah ayaa u diiwaan gashan codeynta doorashooyinka guud. Mr. Odinga iyo Mr. Kenyatta ayaa labaduba ballan qaaday inay qadarin doonaan natiijada doorashada.

Mr. Kenyatta ayaa waxa horyaalla dacwado kaga socoda Maxkmadda Dambiyada ee Caalamiga ah, isaga oo lagu eedeeyey inuu kaalin ka geystay gacan-ka-hadal abaabulan oo isir ku saleysan, kaasoo dhacay ka dib doorashadii dalkaas ka dhacday sanadkii 2007dii. Tiro ka badan 1,100 qof ayaa gacan-ka-hadalkaas ku dhintay.

Warar iyo warbixinno ku saabsan doorashada Kenya halkan hoose ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:14:38 0:00
XS
SM
MD
LG