Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM & US oo Dhaweeyey sii Deyntii Gabadha


Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-moon ayaa soo dhaweeyey xukunkii ay maxkamadda racfaanka ee gobalka Banaadir ku sii deysay gabar sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda ee Soomaaliya, laguna soo eedeeyey inay masabidatay ciidanka dowladda ayna wax u dhintay sumcadda dalka.

Ban Ki-moon ayaa dhinaca kale ka xumaaday xukunka maxkamadda ee Weriye Cabdicaziiz Koronto oo ay maxkamadda racfaanku ku xukuntay lix bilood, halka uu xukunkii hore ka ahaa hal sano.

Xoghayaha Guud ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in si hufan loo baaro eedaha la xiriira kufisga gaboodfalayaashana sharciga la horkeeno. Waxa uu Ban Kimoon hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo xuquuqda aaanaha iyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan hanaan maxkamadeed oo dhexdhexaad ah.

Dhinaca kale Maraykanka ayaa sidoo kale soo dhaweeyey xukunka Maxkamadda ee gabadha lagu sii daayey, hase ahaatee waxaa warsaxaafadeedka ka so baxay Maraykanka lagu sheegay in xukunka wariye Koronto ee loo soo gaabiyey lixda bilood uu yahay wax laga xumaado islamarkaana uu ka hor imaanayo xoriyadda hadalka.

Maraykanka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay ilaaliyaan xuquuqda aadadanaha, sida xuquuqda haweenka iyo xoriyadda hadalka, ayna ka mid noqdaan dadaalka dowladda ee lagu dhiiri galinayo nabadda iyo dimuquraadiyadda, sida uu madaxweynaha Soomaaliyaba u yiri “dadku waa inay dareemaan inay leeyihiin maxkamado ay aamini karaan”

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in Maraykanku ay soo dhaweynayaan, hadalkii dhawaan ka soo baxay raisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ee ahaa, in wariyayaasha aan la xiri karin iyagoo shaqadooda gudanaya.
XS
SM
MD
LG