Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Dhimista Miisaaniyadda oo Bilaabmaysa


Maraykanka waxaa maanta ka bilaabmaya dhimista miisaaniyad dhan $85 billion oo si iskeed ah uga go'aysa hay'addo ka tirsan dowladda kadib markii aqalka Senate-ku uu hor-istaagay sharciyo arrintaasi looga baaqsanayo.

Xubnaha Dimoqraadiyiinta ayaa diiday qorshe ay Jamhuurigu wateen Khamiistii shalay kaasi oo madaxweynaha siin lahaa dabacsanaan badan si uu go'aan uga gaaro halka uu ka yaraynayo kharashka. Dhinaca kalena, Jamhuuriyiinta ayaa iyaguna diiday talaabo ay wateen Dimoqraadiyiinta si loogu baddalo qorshaha dhimista isla markaana canshuur kordhin lagu sameeyo dadka lacagta leh iyo in meesha looga saarayo taageerada la siiyo qaar ka tirsan beeralayda.

Madaxweyne Obama ayaa maanta aqalka cad ku martiqaaday hoggaamiyayaasha congress-ka si ay arrintan wadaxaajood uga yeeshaan.

Madaxweyne Obama ayaa ka digay in dhimista miisaaniyaddan ay dhaawici doonto dhaqaalaha, iyadoo sidoo kale ay saameyn doonto dhaqaalaha caalamka sida ay sheegtay hay;adda IMF.

XS
SM
MD
LG