Isku xirrada

Shirka Maamul-u-sameynta Jubbooyinka oo Furmay


Magaalada Kismayo waxaa maanta ka furmay shir in muddo ahba qabanqaabadiisu ka socotay Soomaaliya iyo Kneya oo la doonayey in maamul goboleed loogu sameeyo gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya siyaasiyiin iyo odayaasha dhaqanka.

Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee maamulka Kismaayo Sh Axmed Maxamed Islaam (Sh Axmed Madoobe ) oo ka mid ah qabanqaabiyayaasha Shirkan ayaa VOA u sheegay in Dawladda Somalia ay ku martiqaadeen shirkan jawaabna ay ka sugayaan.

Wareysiga Shiikh Axmed Madoobe halkan hoose ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG