Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad uu ku Jiro Axmed Godane oo Dil lagu Xukumay


Sedex ka mid ah lix qof oo maxkamadda ciidamada ee Puntland ay dil toogasho ah ku xukuntay
Sedex ka mid ah lix qof oo maxkamadda ciidamada ee Puntland ay dil toogasho ah ku xukuntay
Maxkamadda ciidamada ee Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 12 qof oo uu ka mid yahay, hogaamiyaha Xarkada Alshabaab Axmed Cabdi Godane oo lagu eedeeyey inay fuliyeen falal aragagaxisanimo.

Dadka xukunka lagu riday ayaa lix ka mid ahi ka maqnaayeen goobta markii la xukumayey, waxaana lagu eedeeyey in ay ka qayb qaateen dilkii iyo abaabukiil 5tii December 2011 magaalada Boosaaso loogu gaystay Sheekh Axmed C/raxmaan.

Xukunka maxkamaddan ay riday ayaa ku soo aadaya dhowr tobaad ka dib markii nin hubaysan uu masaajid ku yaalla magaalda Garoowe ku dhex toogtay Sh.C/qaadir Nuur Faarax "Gacamey" oo ahaa wadaad magac ku lahaa Soomaalida dhexdeeda.

Warbixinta xukunka maxkamadda halka hoose ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:15 0:00
XS
SM
MD
LG