Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Dad Badan oo ku Dhintay Shil Baabuur


Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintey, 50 kalena waxay ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay meel u dhow degaanka Mwingi ee Bariga dalka Kenya.

Sarkaal u Hadley booliska ayaa sheegey in gaariga shilka galey uu ahaa bas ka yimid magaalada Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in dadka shilka dhintay ay ku jiraan dad Soomaalia ah.

Baskan ayaa sidey dad u badan shaqaale ka hawlgala magaalada Nairobi oo ku sii jeeday degaanada miyiga si ay uga qeyb galaan doorashada maalinta Isniinta dhacaysa.

Guud ahaan dalka Kenya ayaa dadku waxa ay u diyaar garoobayaan doorashada guud ee dalkaasi, iyadoo ay weli xasuustaan qalalaasihii ka dhashay doorashadii 2007dii ee madaxweynaha xilka ka dagaya ee Mwai Kibaki, ayna jirto cabsi ah in qalalaase kale dhacaan.

Warka shilka oo dhan halka hoose ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:36 0:00
XS
SM
MD
LG