Isku xirrada

War Deg-Deg ah

"Waa Go'aankaaga" Dhalinyarada iyo Burcad- badeedda W9


Tan iyo markii ay xeebaha Soomaaliya ka bilaabmeen falalka burcad-badeedda ee lagu weerarraya maraakiibta iyo doonyaha marayay biyaha Soomaaliya, waxaa ay taasi soo jiidatay dhalinyaro fara badan oo ka biiray kooxahaasi. Lacagaha faraha badan ee lagu helay madaxfurashada ayaa dhalin badan soo jiidatay.

Burcad-badeeddu waxay saameyn weyn ku reebtay isu-socoda marinnada biyaha badweynta hindiya iyo tan badda cas, balse ka sokow dhibaatadaasi waxaa jira saameyn ba’an oo burcad-badeeddu ku yeelatay ganacsiga gudaha ee Soomaaliya, kuwaasoo lacagaha ba’an ee ay ku soo helaan madaxfurashadu ay sicir barar ku ridday ganacsiga maxaliga ah

Haddaba, maxaa ku riixa dhalinyaradu inay ku biireen kooxaha burcad-badeedda, maxayse noloshooda ka baddashay lacagaha lagu soo helo madaxfurashada, su'aallahaasi iyo kuwo kale ayaan ka hadlayaa barnaamijka waa go'aankaaga ee toddobadkan.

Qeybta danbe ee su’aalaha dhalinyarada, waxaana ka qeybgalay o su’aallaha ka jawaabay Maxamed Abdi Xasan “AFweyne” oo horey uga tirsanaan jiray hoggaamiyayaashii burcad-badeedda, balse sheegay inuu ka hadhow kana tanaasulay howshaasi, isla markaana haatan wada barnaamijyo wacyi-galin ah oo lagu soo xareynayo dhalinyarada burcad-badeedda ah iyo Muxyadiin Cali Yusuf, guddoomiyaha ha’adda la-dagaalanka burcad-badeedda ee dowladda Somalia.

please wait

No media source currently available

0:00 0:57:05 0:00
XS
SM
MD
LG