Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kazakhstan: Shir looga Hadlayo Nuklearka Iran


Saraakiisha lixda quwadood ee dunida iyo dalka Iran ayaa ka wadahadlaya barnaamijka nuklearka Iran ee muranka dhaliyey, wadahadaladan ayaa diiradda lagu saarayaa sidii wax looga qaban lahaa walaaca laga qabo in Iran ay ka shaqeynayso hormarinta hubka nuklearka.

Kulanka ayaa ka soconaya Talaadaan magaalada Almaty ee dalka Kazakhstan, waxaana wadamada ka qayb galayaa shirka oo loogu yeero shanta quwadood oo lagu daraay hal, ay kala yihiin Mareykanka, Engiriiska, Faransiiska, Ruushka, Shiinaha iyo Jarmalka.

Shirkan lagama filayo inay ka soo baxaan wax looga gudbo muranka ka jira nuklearka Iran

Wadamadan shirka ku leh Kazakhstan ayaa la filayaa in dalka Iran ay soo jeediyaan inay ka dhimayaan cunaqabataynta saaran, hadii dowladdu ay ka ogolaato inay joojiso qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqeeda ay ku hormarinayso nuklearka.

Iraan ayaa sheegtay in barnaamijkeeda nuklearku uu yahay mid nabadeed, laakiin badi wadamada caalamka ayaa muujinaya walaac ah in ujeedada dhabta ee Iran ay tahay inay sameysato bam nuklear ah.
XS
SM
MD
LG