Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Baasaboorro Reer Yurub ah oo la Qabtay


Waaxda Socdaalka ee dawladda Somalia ayaa qabatay ilaa 50 baasaboor oo laga leeyahay dalalka Yurub, kuwaas oo la doonayey in magaalada Muqdisho lagaga dhoofo. Madaxa Waaxda Socdaalka ee Somalia, Gen. Cabdullaahi Gaafow Maxamuud ayaa VOA u sheegay in ay qabqabteen tiro dad ah oo arrintaas darteed loo xiray. Waxa kale oo uu sheegay in ay xiriir la sameyn doonaan dalalka Yurub ee baasabooradan laga lahaa si u soo qabtaan dadkii doonayey in dad kale ay ku dhoofiyaan.

Wareysiga oo dhan hoosta ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:25 0:00
XS
SM
MD
LG