Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Natiijada Hordhaca ah ee Doorashadii Djibouti


Mucaaradka Jbauuti ayaa ugu yaraan siddeed kursi ka helay doorashada baarlamaanka ee ka dhacday dalka Jbauuti, sida ay muujinayana natiijooyinka hordhaca ah. Magaalada caaismadda ah ee Jbauuti waxa ay mucaaradku ka heleen toddoba kursi sida uu sheegay mid ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaaradka Daahir Axmed Faarax oo waraysi siiyey idaacadda VOA.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada Djibouti ayaa lagu dhaawaqay. Natiijadan oo laga sii daayay Telefishinka iyo Radiyaha Djibouti ayaa lagu sheegay in Xibbiga Talada haya uu helay 49 % codadka dadku ay ka dhiibteen Magaalada Caasimadda ah ee Djibouti iyadoo mucaaradkuna ay heleen 47%.

Weli si rasmi ah loogmu dhawaaqin Natiijada Rasmiga ah, lamana shaacin sida ay dhinacyadu u kala heleen codadka gobolada kale ee Djibouti.

Waa markii ugu horeysay oo ay isbaheysiga Mucaaradku ka qeybqaataan doorashada 65ta xubnood ee noqonaya mudanayaasha baarlamanka Djibouti ee shanta sanadood ee soo socota.

inn ka badan 400 oo goobood ayay codkooda ka dhiibteen dad ka badan 174,000 oo qof, sida ay sheegeen saraakiisha guddiga doorashada dalka.

Ololaha doorashada ayaa ahaa kuwo ereyo kulul ay is dhaafsanayeen xisbiga talada haya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaciil Cumar Gelle iyo isbahaysiga asxaabta mucaaradka.

Waraysiga Daahir Axmed Faarax iyo warbixinta natiijada hordhaca ah ee doorashada halkan hoose ka dhageyso.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:09:06 0:00


please wait

No media source currently available

0:00 0:09:00 0:00
XS
SM
MD
LG