Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashooyinka Baarlamaanka Djibouti


Dalka Djibouti saakay waxay dadku u dareerayaan doorasho ay ku soo xulanayaan xubanaha Baarlamanka Djibouti shacabka u matalaya muddada shanta sanadood ee soo socota.

Ugu yaraan 200 kun oo qof oo reer Djibouti ah oo u diwaangashay doorashada 65ka xubnood ee Baarlamanka Djibouti ayaa ka codeynaya ilaa iyo 500 oo goobood oo 232 ka mid ahna ay ku yaalaan magaalada Djibouti.

Doorashadan ayaa markii ugu horreysay muddo 10 sano ah waxaa ka qeybqaadanaya axzaabta mucaaradka.

Madaxweynaha Djibouti Ismacil Cumar Geele ayaa ku tilmaamay Xisbiyada mucaaradka ee doorashada ka qeybgalaya kuwa qaswadayaal ah oo qatarna ku ah xasiloonida Djibouti, balse eedahaasi waxaa iska fogeeyey xubnaha mucaaradka.
XS
SM
MD
LG