Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shiinaha oo Beeniyay Weerarada Kombiyuutarka


Wasaaradda Gaashaandhiga Shiinaha ayaa beenisay warar ay baahiyeen koox ilaalisa Amaanka Xogta Kombiyuutarada oo saldhigoodu yahay wadanka Mareykanka, wararkaas oo sheegayey in ciidanka Shiinuhu ay qaadeen weeraro joogta oo loogu dhacay xogta kombiyuutarada oo lagu bartilmaameedsanayo Mareykanka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Shiinaha Arbacadan maanta ah, ayaa lagu sheegay in ciidanka Shiinuhu aaney abid taageerin weerarada loogu dhaco xogta kombuutarada. Waraasaddu waxa ay intaa ku dartay in wararka ka soo baxay shirkadda Ammaanka Kombiyuutarada ee Mandiant uu yahay mid aan run aheyn oo cadeynna loo heyn.

Mandiant ayaa sheegtay in baaritaankooda ay ku ogaadeen, in qeyb ka tirsan ciidanka Shiinaha ay ka danbeeyaan kooxda weerarka qaaday oo fuliyey ku dhawaad 150 weerar oo intooda badan lagu bartilmaameedsaday xogta kombiyuutarada Mareykanka tan iyo sanadkii 2006dii.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaan si toosa uga hadlin wararka ku saabsan weerarka, hase ahaatee waxa ay balan qaadeen inay qaadi doonaan talaabo kasta oo xogta kombiyuutarada Mareykanka looga ilaalinayo weerarada, ayna arrintaas kala hadleen hogaamiyayaasha Shiinaha.
XS
SM
MD
LG