Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Racfaanka oo Dhageysanaysa Xukunkii Kufsiga


Somali journalists, in Mogadishu on Jan. 27, 2013, demand the release of Abdiaziz Abdinur Ibrahim, who was arrested after reporting on an alleged rape case involving government soldiers.
Somali journalists, in Mogadishu on Jan. 27, 2013, demand the release of Abdiaziz Abdinur Ibrahim, who was arrested after reporting on an alleged rape case involving government soldiers.
Maxkamadda racfaanka ee Benaadir ayaa maanta dhageysanaysa racfaanka xukunkii xabsiga halka sanno ahaa ee maxkamadda darajada koowaad ay ku ridday gabar sheegtay in la kufsaday iyo wariyihii wareystay.

Qareenka u doodaya labada qof Maxamed Maxamuud Afrah ayaa VOA u sheegay in maanta ay bilaabanayso dhageysiga racfaanka, maxkamaddana uu horgeyn doono makhraatiyaal iyo caddeymo muujinaya in gabadha iyo weriyaha xukunka lagu ridday aysan danbi lahayn.

Mr. Afrah ayaa sidoo kale sheegay inuu rajo weyn ku qabo in garsoorka maxkamadda racfaanku ay laali doonaan xukunkii maxkamadda kowaad, isla markaana ay sii deyn doonto labada qof.

Gabadha sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda iyo weriyaha wareystay ayaa bishan 5-teedii waxaa maxkamadi ku xukuntay muddo hal sanno ah kadib markii lagu helay danbi ah inay kufsi been abuur ah ay sameeyeen.

Beesha caalamka iyo hay'addaha u doodda xuquuqda aadanaha iyo saxaafadda ayaa canbaareeyey xukunka maxkamadda, waxayna dalbadeen in la sii daayo labadan qof.

Guddiga baarlamaanka u qabailsan xuquuqda aadanaha ayaa dhawaan soo saaray go'aan ay ku dalbayaan in labadan qof la sii daayo sidoo kalena raali galin la siiyo.

dhageysiga maanta ayaan si rasmi ah loo ogaan karin waxa ka soo bixi doona.
XS
SM
MD
LG