Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhagax Weyn oo Ku Soo Dhawaaday Koonka


Asteroid
Asteroid
Dhagax weyn oo ka yimid hawada sare ayaa si nabdoon ku soo gaaray Jawiga dhulkan aynu ku noolnahay , waxuuna noqonayaa dhagaxii ugu balaaraa ee taariikh ahaan la ogyahay ee ka yimaada seeraha hawada sare ee dhulka soo dul mara.

Hay’adda Hawada Sare ee Mareykanka ee , NASA, ayaa sheegtay in dhagaxan oo lagu qiyaasay 45 meter uu soo maray 28, kun oo Kilometer oo meeraha dhexdiisa ah Jimcihii shalay halkaas oo ka dhow meelaha ay gaaraan qaar ka mid ah dayax gacmeedyada.

Dhagaxan ayaa socdaalkaasi dhulka dushiisa ah la ogaaday, saacado un ka dib markii, dhagxaan kale oo kaa ka yar uu ku qarxay hawada dusha buuraleyda Ruushka ee, Ural.

Seynisyahanada iyo cirbixiyeenada hay’adda NASA ayaa ka digay todobaadkii la soo dhaafay in dhagaxaasi weyn oo afka qalaad lagu yirahdo (Asteroid) uu dhulka ku soo wajahnaa, laakiin waxey sheegtay in aaney jirin fursad uu dhagaxaasi dhulka ku soo gaari karay.

Dhagaxaasi oo ku socday xawaare ayaa aad uga yaraa in isha Bani aadamka ay qabato markii uu duulayay hawada sare.

Laakiin cirbixyeenada Australia ayaa awooday inay daawadaan dhagaxaasi xilli uu iftiin bixinayay hawada sare, iyagoo ku eegayay qalab lagu daawada iftiinka iyo qoraxda.

Dhagaxaasi ayaa la sheegay inuu ku socday xawaare sideed jeer ka badan kan ay ku socoto – Xabad ka dhacda qori.
XS
SM
MD
LG