Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kery: Iran Fursad Ayey Heysataa, ha ka Faa'ideysato


Xoghayaha Arimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in hadii barnaamijka Nuclearka ee Iran uu yahay mid nabadeed, aysan dhibaato ku qabin laheyn inay caalamka u cadeyso.

Mr. Kerry ayaa u sheegay ragga wararka fidiya khamiistii shalay in wada hadalo ku saabsan Nuclearka Iran oo dhici doona dhamaadka bishan ay horumar sameyn karaan oo kaliya, hadii buu yiri Iran ay ka go’antahay inay sameyso yabooh dhab ah oo ay gasho wadahal dhab ah.

Waxa uu sheegay in Iran ay waajib ku tahay inay cadeyso in albaabadeeda ay u furanyihiin xal diblomaasiyadeed oo laga gaaro muranka ka taagan barnaamijkeeda Nuclearka.

Kerry ayaa ka hadlayay magaalada Washington, ka hor inta uusan kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah uusan la yeelan xoghayaha guud ee Qaramada Ban Ki-moon.

Mareykanka iyi Dalal badan oo ay xulufo yihiin ayaa qaba tuhun ah in Iran ay isku dayeyso inay sameysato bam Nuclear ah.

Iranse waxey ku adkeysaneysnaa in barnaamijkeeda uu yahay mid ku kooban sababo nabadgelyo oo rayid ah.
XS
SM
MD
LG