Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Machadka Heritage oo Baaq u Jeediyey Kenya


Madaxa Machadka Heritage Cabdiraxmaan Caynte
Madaxa Machadka Heritage Cabdiraxmaan Caynte
Machadka Heritage ee magaalada Muqdisho ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inay joojiso qorshaha ay dib ugu celinayso qaxooti Soomaali ah oo ka badan nus malyuun oo ku sugan dalkeeda.

Machadkan ayaa warbixintiisii u horreysay ee uu soo saaro diirada ku saaray qorshaha dib u celinta qaxootiga Somalida ee xeryaha Kenya ku jira.

Machadku wuxuu ugu baaqay dowladda Kenya inay dowladda Soomaaliya kala shaqeyso qaab nidaamsan oo dadka loo celin karo.

Sidoo kalena machadku waxa uu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay diyaariso hay’addihii soo dhaweyn lahaa qaxootiga soo noqonaya

Wareysiga Cabdiraxmaan Caynte halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:15 0:00
XS
SM
MD
LG