Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo Qabsatay Goobo ka Tirsan Sh/Hoose


Waraka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay qabsadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose.

Deegaanadaan ay ciidamadu la wareegeen ayaa waxa ay hoos tagaan degmooyinka Qoryooley iyo Awdheegle, waxaana deegaanadaan hore gacanta ugu hayey xoogagga Alshabaab.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose Cabdulqaadi Shiikh Cali “Siidii” ayaa xaqiijiyey qabsashada deeganadaan, isagoo sheegay in xoogagga Alshabaab ay dhibaato weyn ku hayeen dadka rayidka ee ku nool deegaanada la qabsaday.

Alshabaab oo awood badan ku laheyd gobalada koofurta ee Soomaaliya ayaa marba marka ka danbeysa ay sii wiiqmeysaa awoodeedu, iyadoo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM-na ay sii balaarinayaan deegaanada ay ka taliyaan.

Warbixin ku saabsan qabshada AMISOM ee deegaanada Shabeelada Hoose halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:13 0:00
XS
SM
MD
LG