Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulan Dhexmaray M/weynaha iyo Midowga Afrika


Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mr. Mahamat Anadif Saleh.

Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey talaabada uu xafiiska howlgalka Midowga Afrika ugu soo guuray magaalada Muqdisho.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa madaxweynaha uga warbixiyay xafiiska Midowga Afrika ee Muqdisho iyo sida uu Midowga Afrika ugu heelan yahay taageero siinta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Midow Afrika ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamada AMISOM oo ah cududda ciidan ee ugu weyn ee ay ku taagan tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Warbixin kulanka madaxweynaha iyo wakiilka gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:11 0:00
XS
SM
MD
LG