Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afhayeenka Mucaaradka Jabuuti oo la Siiday


Siyaasigan oo maanta dib u helay xurriyadiisii ayaa xidhnaa muddo laba maalmood ah isaga oo lagu eedeeyay in uu ku dhiirigalay dawladda Eritrea in ay weerarto Jabuuti si loo rido maamulka.

Waraysi uu siiyay laanta af Soomaaliga ee VOA ayuu ku sheegay inaanay jirin wax shuruud ah oo ku xidhan sii dayntisa, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in xadhigiisa uu ahaa mid ku salaysan cabudhinta mucaaradka.

Daahir Axmed Faarax ayaa sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay mudadii uu xidhnaa, hase ahaate waxa uu xusy in dhowr qof oo ka mid ah taageeryaasha mucaaradka ay weli xidhanyihiin.

Sii daynta siyaasigan ayaa ku soo beegantay iyada oo caawa oo Khamiis ah uu bilaabmayo ololihii doorshada golaha baarlamaanka oo lagu wado in 22ka bishan ay qabsoomaan.

Afhayeenka mucaaradka ayaa sheegay in ay aanu is bedelin mawqifkoodaii ahaa in doorashada ay ka qaybgalaan, isaga oo xaqiijiyay inay aqbalayaan natiijada doorshada, hase ahaate waxaa uu arrintaasi shuruud uga dhigay in ay noqoto doorashadu mid si cadaalad ah u dhacda.

Waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso dhinaca hoose ee boggan.
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:33 0:00
XS
SM
MD
LG