Mas’uuliyiinta adeegga ambalaasyada ee Muqdishu ayaa sheegay inay bilaabeen adeeg cusub oo u adeegaya haweenka uurka leh iyo carruurta nugul. Adeeggan ayaa u gurmanaya haweenka xilliyada habeenkii ah ee ay yartahay helitaanka gaadiidka kale ee ay ku gaadhi karaan cisbitaallada.