Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wariye Iyo Haweeney Lagu Xukumay Xabsi


Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku riday wariye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahin (Koronto), iyo haweeney sheegtay inay kufsi u geysteen rag ka tirsan ciidamada dowladda Somalia, oo uu wariyuhu wareysi la yeeshay.

Wariyaha oo ka tirsanaa idaacadda dalsan ee Magaalada Muqdisho iyo haweeneyda ayaa lagu xukumay min hal sano oo xarig ah, ka dib markii sida maxkamadu sheegtay lagu helay, been abuurid war aan jirin, iyo aflagaado loo geystay Hay'ad Qqaran.

Wariye Cabdi Casiis ayaa loo taxaabay xabsiga halkaas oo uu xukunkiisa uga bilaabanayo, halka haweeneydii iyana la xukumay xabsigeeda dib loo dhigay, sababo la xiriira inay nuujineyso dhalaan.

Sadex qof oo kale oo dacwad loo heystay, oo uu ku jiro Seyga Luul Cali Cusman ayaa dacwadda lagu waayay oo la sii daayay.

Xukunkan oo dhowr jeer dib u dhacay ayaa waxaa horey u cambaareeyay, hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo dalal kale oo fara badan.

Markii uu soo baxay xukunkan ayaa mar kale waxaa si caro leh uga jawaabay qaar ka mid ah hay’adaha xuquuqda Aadanaha oo ay ku jirto Human Rights Watch, oo ku tilmaantay xukunkan cadaalad la baal maray.
XS
SM
MD
LG