Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faransiiska oo Galay Magaalada Kidal ee Mali.


Ciidamada Faransiiska ayaa galay magaalada Kidal ee woqooyiga dalka Mali, waana magaaladii ugu danbeysay ee ay haysteen kooxaha xag jirka ah. Ciidamada Faransiiska iyo kuwa Maali-na waxay hore ula soo wareegeen magaalooyinka Goa iyo Timbuktu.

Saraakiisha Milateriga Faransiiska ayaa Arbacadan maanta ah sheegay in ciidankoodu ay habeenkii xalay ahaa galeen magaalada, iyagoo sii wada dagaalka ay waqooyiga dalka uga xoreynayaan kooxaha xagjirka ah oo halkaasi awood badan ku lahaa.

Kooxda aan xagjirka aheyn ee falaaga Tuareg ee magacooda loo soo gaabiyo MNLA, ayaa sheegtay horaantii todobaadkan in dagaalyahanadoodu ay la wareegeen awoodda magaalada Kidal.

Falaagada Tuareg ayaa ku biirtay kooxaha xagjirka ah ee qabsaday woqooyiga dalka Mali markii ay bishii March ciidanku ay afganbiyeen dowladdii Mali. Labada kooxood ayaa markii danbe ku kala qeybsamay muran ku saabsan in gobalka laga hirgaliyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Macluumaad Kooban oo ku Saabsan Qowmiyadda Tuareg

Macluumaad Kooban: Qowmiyadda Tuareg

-- Waa dad reer guuraa ah oo ku nool dhulka lama degaanka ah ee bartamaha qaaradda Afrika.

-- Waxa ay degaan wadamada Algeria, Libya, Mali, Niger, Nigeria
iyo Burkina Faso.
-- Waxay caan ku yihiin aqoonta ay u leeyihiin waddooyinka dhexmara dhulka lama degaanka ah ee bartamaha Afrika.


-- Intooda badan waa dad muslimiin ah.


-- Tan iyo dhammaadkii gumaysiga Faransiiska waxa ay sameeyeen kacdoonno ka dhan ah xukuumadaha Mali iyo Niger iyaga oo raba in ay goostaan dal u gaar ah.

-- Qaar ka mid ah dadka qawmiyadda Tuaregs ayaa isbahaysila yeeshay kooxaha xagjirka ah ee qabsaday magaalooyinka waaweyn ee waqooyiga dalka Mali sannadkii tagay ee 2012, hase ahaate isbahaysigaasi ayaa bur-buray kadib markii la isku khilaafay qaab loogu dhaqmayo shareecada Islaamka.


XS
SM
MD
LG