Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faransiiska oo Balaariyay Howlgalka Mali.


Ciidanka Faransiiska ayaa bilaabay dagaalka dhinaca dhulka ee ka dhanka ah kooxaha Islaamiyiinta Mali. Xoogagga Faransiiska iyo kuwa Mali oo isgarabsanaya ayaa hareereeyey magaalada Diabaly oo ay haysteen mucaaradka.

Goob jooge ku sugan magaalda Daibaly ayaa sheegay in ciidamada milateriga Mali ay isku hareereeyeen magaalada, warbaahinta Faransiiskuna waxay sheegeen in xoogagga gaarka ah ee Faransiisku ay sidoo kale deegaanka joogaan iyadoo la filayo in dagaal uu goordhow ka qarxo magaalada.

Talaadadii shalayna diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska ayaa duqeeyey magaalada Diabaly oo 400 oo KM wuqooyiga kaga beegan caasimadda Mali ee Bamako.

Faransiiska ayaa ciidamo u diray wadanka Mali ka dib markii maalinkii Jimcaha uu soo gaaray codsi uga yimid dowladda ku meel gaarka ah ee dalka Mali, kaasi oo ay dowladda Mali ku dalbatay in laga taageero dagaalka ay kula jirto kooxaha xag jirka

Wadanka Nigeria ayaa la filayaa in Maanta oo Arbaco ah ay Mali geeyaan 190 askari. Ciidankan ayaa waxa ay qeyb ka yihiin ciidan gaaraya 3,300 oo wadamada Galbeedka afrika ay ku yabooheen si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah Kooxaha xagjirka ah.
XS
SM
MD
LG