Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faransiiska oo Ciidan Hor leh Geeyey Mali


Faransiiska ayaa kordhiyey xoogaggiisa ka dagaalamaya wadanka Mali, waxayna halkaasi gaarsiiyeen taangiyo iyo baabuurta gaashaaman ee ciidanka, iyagoo qaadaya weeraro hor leh oo dhanka cirka ah kuwaasoo ka dhan ah kooxaha Islaamiyiinta ee gacanta ku haya wuqooyiga dalkaasi.

Wariyaha VOA Anne Look oo ku sugan caasimadda wadanka Mali ee Bamako, wararka ayaa sheegaya in ciidan wata 100 baabuur oo Faransiis ah ay soo gaareen caasimadda kuwaasi oo ka yimid dhanka wadanka Ivory Coast Talaadan maanta ah, iyadoo ciidamo badan oo kalena ay ka imaanayaan Faransiiska iyo wadanka Chad.

Dhinaca kalena, goobjoogyaal ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Faransiisku ay weerareen magaalda Diaby, saacado uun ka dib markii ay dagaalyahaniinta Islaamiga ahi ay la wareegeen awoodda deegaanka, halkaasoo 400 KM dhinaca wuqooyiga ka xigta magaalada Bamako. Dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay in kooxaha mintidiintu ay weli magaalada gacanta ku hayaan.

Saraakiisha Difaaca Faransiiska ayaa sheegay in ciidanka ka jooga Mali la gaarsiin doono ilaa iyo 2, 500. Nigeria-na waxa ay sheegtay Talaaadan maanta ah in ciidamadoodii ugu horeeyey ay wadanka Mali geyndoonaan muddo 24 saac gudahood ah, kuwaasoo qeyb ka ah xoogagga Galbeedka Afrika ee la qorsheeyey in ay gacan ku siiyaan ciimada Mali inay dib ula wareegaan wuqooyiga dalkaas.

Warar iyo Warbixinno ku saabsan dalka Mali halka hoose ka dhageyso

please wait

No media source currently available

0:00 0:08:24 0:00
XS
SM
MD
LG