Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mubarak oo Dib Loo Maxkamadeynayo


Madaxweynihii hore ee Masar, wasiirkiisii arimaha gudaha, iyo labadiisa wiil ayaa dib loo maxkamadeynayaa, ka dib markii ay ku guuleysteen racfaan ay qaateen.

Maxkamad ku taala dalka Masar ayaa amartay in mar kale dib loo maxkamadeeyo, Madaxweynihii xukunka laga eryay ee dalkaasi xusni Mubarak, oo hadda xabsiga ugu jira, xukun xabsi daa’in ah.

Maxkamadda ayaa axadii la soo dhaafay siisay Madaxweynihii hore ee 84 jirka ah in dacwadiisa dib loo furo, dhowr biloodka dib markii lagu helay inuu maleegay dilka boqolaal ka mid ah dad kacdoon ka sameeynayay xukunkiisa 30ka sano dalkaasi ka talinayay sanadkii 2011kii.

Maxkamadda Racfaanka ayaa xukuntay, in wasiirkii hore ee arimaha gudaha ee xukumadii Mubarak, Xabiib Alcadli, oo isna ku xukuman xabsi daa’in, uu sidoo kale wajihi doono dacwadeyn cusub.

Waxaa kaloo dib loo maxkamadeynayaa labada wiil ee uu dhalay Mubrark, Jamal iyo Alaa. Dhamaantood ayaa ku sii jiri doona xabsiga maadaama ay wajahayaan eedo cusub.

Weli waqti looma qaban maxkamad qaadistooda cusub.

Dacawadaha loo heysto Mubarak ayaa lagu soo waramayaa inay la mid yihiin kuwii lagu soo oogay ee horseeday in xabsi daa’in lagu xukumo bishii la soo dhaafay ee June.
XS
SM
MD
LG