Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fransiiska oo Weerar Cirka ah ka Fuliyay Mali


Ciidamada Cirka ah ee Faransiiska ayaa duqeeyay Dagaalyahanada kooxa Islamiyiinta Mali, isagoo ka jawaabayay codsi dowladda kaga yimid

Dowladda Faransiiska ayaa ka fulisay weeraro dhinaca cirka ah dalka Mali, si ey u taageerto ciidamada dowladda ee isku dayaya inay horjoogsadaan – kooxaha Mintidiinta Islamiga ah oo ka soo siqaya dhinaca waqooyi ee dalkaasi ee ay heystaan.

Wasiirka Arimaha dibadda ee Faransiiska, Laurent Fabius, ayaa xaqiijiyay weerarada dhinaca cirka ah jimcihii shalay, laakiin waxa uu ka gaabsaday inuu faah faahin intaasi ka badan ka bixiyo howlgalka Milatary.

Fransiiska ayaa ku dhawaaqay gelinkii hore ee jimcihii shalay inuu ciidamo geeyay dalka Mali, taasoo ay ka codsatay dowladda.

Ciidamo ka socda Nigeria iyo Senegal ayaa sidoo kale ku suggan dalka Mali si ey u caawiyaan ciidamada dowladda.

Saraakiisha ciidamada Milatariga dalka Mali ayaa sheegay in weerarka ciidamada Fransiiska uu hakiyay –duulaanka falaagada Islaamiyiinta ah.

Ciidamada falaagada ah ee maamula guud ahaan waqooyiga dalkaasi, ayaa ku siqayay dhinaca koonfureed ee dalkaasi todobaadkan, iyagoo qabsaday magaalada Konna.

Saraakiisha Milatariga Mali ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay dib u qabsadeen Magaalada.
XS
SM
MD
LG