Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo ay Dad Badan ku Dhinteen oo ka Dhacay Pakistan


Afar Qarax ayaa ku dilay dalka Pakistan 110 qof, ku dhawaad 250 kalena way ku dhaawacmeen, Khamiistii shalay. 92 ka mid ah dadkaasi ayaa ku dhintey Magaalada Quetta.

Afar Qarax oo kala gooni gooni ah ayaa ku dilay dalka Pakistan 110 qof, ku dhawaad 250 kalena wey ku dhaawacmeen, Khamiistii shalay, waxaana 92 ka mid ah dadkaasi ay ku dhinteen Magaalada Quetta.

Booliskta Magaalada caasimadda u ah gobolka Baluchistan, ayaa sheegaya in qof isa soo miidaamiyay uu isku dhex qarxiyay, hool laga buuxay oo lagu ciyaaro – bilyaardiga, waxaana xiggay nin kale oo isla goobta isna isku qarxiyay daqiiqado ka dib.

Qaraxyadaasi mataanaha ahaa ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 81 qof, oo ay ku jireen xubno ka tirsan booliska, iyo shaqaalaha gurmadka oo ka jawaabayay qaraxii 1aad.

Boolisku waxey sheegeen in qaraxii labaad uu sababay dhimashada badankeed, kaasoo sababay in saqafkii dhismaha uu soo dumo.

Ugu yaraan laba saxafi ayaa ka mid ahaa dadka dhintay.

Weerarkaasi lagu qaaday goobta Bilyaardiga lagu ciyaarayay ayaa dhacay saacado ka dib markii Qarax bambaano uu 11 qof ku dilay Magaalada Quetta,

Meel kale oo Pakistan ka mid ahna Khamiistii, ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay, in ka badan 70 kalena waa lagu dhaawaca, magaalada Mingora ee ugu balaaran gobolka waqooyi bari Pakistan ku yaala ee Swat, meel dadku ay isugu soo xoomeen si ey u dhageystaan hadal uu u jeedinayay hogaamiye diimeed.
XS
SM
MD
LG