Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beelo ku Dagaalamay Kenya oo Dad iska Dilay


Booliiska Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen dagaal beeleedka ka socda gobalka Tana River ee dalka Kenya.

Kooxo hubaysan oo ka soo jeeda beesha Pokomo ayaa Arbacadii weeraray deegaanka beesha Orma iyagoo adeegasaneyey hub iyo baangado. Wararka qaar ayaa sheegaya in lix qof oo beesha Orma ah ay dhinteen halka beesha Pokomo ay ka dhinteen laba qof.

Qof dhalinyaro ah oo ka tirsan dadka deeganka la soo weeraray, ayaa sheegay in iyagoo is difaacaya ay kooxdiisu dileen laba ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday.

Hay’adda Laanqeyta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in 9 qof oo uu ku jiray hal cunug ay ku dhaawacmeen dagaalka.

Dagaalkan u dhaxeeya labada beelood ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 130 qof tan iyo bishii August ee sanadkii hore, waxaana ay labadan beelood muddo sanado ah ku dagaalamayeen deegaanka iyo biyaha. Beesha Pokomo waa beeraleey halka Orma-na ay tahay xoola dhaqato.
XS
SM
MD
LG