Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Assad oo ku Baaqay Shir Dib-u-heshiisiin ah


Madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad ayaa ugu baaqay dadkiisa inay la dagaalamaan kooxaha mucaaradka ee xukuumaddiisa dagaalka kula jira kuwaasoo ku tilmaamay inay ka tirsan yihiin ururka al-Qaacida.

Mr. Assad, wuxuu sheegay in ciidamada Suuriya ay la dagaalamayaan kooxo “danbiilayaal dhagar-qabayaal ah” oo laga maalgeliyo dalka dibeddiisa.

Madaxweyne Bashar wuxuu soo jeediyay shir weyne qaran oo dib u heshiisiineed iyo dastur cusub ooo la sameeyo, laakiin wuxuu sheegay in xukuumadiisu aysan haysan rafiiq ay la xaajooto.

Madaxweynaha Suuriya wuxuu beeniyay inay dalkiisa ka jirto kacdoon ka dhan ah xukunka qoyskiisa ee soo jiray tobbonaanka sanno.

Khudbadda madaxweynaha ayaa waxaa si is-xig-xiga u dhex-galayay hal-kudhigyo lagu qeylinayay oo ay ka mid ahaayeen” nafteena, dhiigiine adiga ayaan kuu hureynaa"

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ku qiimeeyey in in kabadan 60 kun oo qof lagu dilay dalka Syria tan iyo markii madaxweyne Bashar al-Asad uu bilaabay inuu gacan adag kala hortago dibadbaxyo dimoqraadiyad doon ah oo si nabadgelyo ah ku bilowday bishii Maarso ee 2011-kii, dibadbaxyadaasi ayaa isku rogay dagaal hubeysan oo ku aadan dhammeynta xukunka Bashar al-Asad.
XS
SM
MD
LG