Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Isjiir Ku Dhintay Ivory Coast


Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhimatay dalka Afrikada Galbeed ku yaala ee Ivory Coast, ka dib markii kumanaan qof oo u dabaaldegayay sanadka cusub ay isku jiireen wado ciriiri ah.


Saraakiisha wadanka Ivory Coast ayaa sheegaya in ugu yaraan 60 qof ay ku dhinteen, ka dib markii isjiir uu ka dhacay xaflad loogu dabaal degayay sanadka Cusub oo ka dhacday caasimadda dalkaasi ee Abijan.

Shaqaalaha Gurmadka ayaa sheegaya in qiyaastii 50 qof oo kale ay ku dhawaacmeen dhacdadan oo gelinkii hore ee talaadadii ka dhacday, meel ku dhow garoon ku yaala Degmada Plateau, halkaas oo boqolaal kun oo qof ay isugu soo baxeen si ey u daawadaan – midabo kala duwan oo hawada loo ganayay, laguna soo dhaweynayay sanadka cusub.

Inta badan dadka dhintay ayaa u badnaa caruur iyo dhalinyaro ku jirtay da’adooda tobanaadka.

Madaxweye Alassane Ouattara ayaa dhacdadaasi ugu yeeray Musiibo Qaran.
XS
SM
MD
LG