Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dooddii Miisaaniyadda Maraykanka oo Heshiis laga Gaarey


In kasta oo aanu ahayn mid dhameystiran, haddan xubnaha labada xisbi ee Congresska Maraykanka ayaa gaaray heshiis lagaga fogaanayo hoos u dhac dhaqaale.

Aqalka Cad iyo Saraakiisha xisbiga Dimqoraadiga ayaa sheegay inay heshiis la gaareen xubnaha xisbiga Jamhuuriga, ka dib labo maalmood oo dood kululi ka dhex socotay, taasoo la doonayey in lagaga fogaado waxa loogu yeero “hanaanka maaliyadda ee qarka ka sii dhacaya”. Haddii wadahadaladan lagu guuldareysan lahaa, waxa kordhi cashuurta dhamaan dadka Maraykanka ah ee shaqeeya.


Madaxweyne ku-xigeenka dalka Joe Biden ayaa la kulmay xubnaha Aqalka Senateka ee xisbigiisa Dimoqraadiga, markii heshiiskan la sheegay in uu dhow yahay in la gaaro.

Wararka ayaa sheegaya in heshiiskani uu waqtigii loo qabtay ee “haadaan ka dhicidda” lagu daray labo bilood. Waxa sidoo kale xilli dheeri ah loogu daray cashuur dhimistii dadka sanadkii ay soo gasho 450,000 oo dollar, taasoo uu dhaqan galiyey madaxweynihii hore ee Maraykanka George W. Bush

Wareysi arrintaas ku saabsan hoosta ka dhagesyo.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:04 0:00
XS
SM
MD
LG