Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhacdooyinkii Sannadkii 2012


Waa laba barnaamij oo gaar ah oo aanu ku eegeyno dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee ka dhacay Soomaaliya iyo caalamka sannadkii dhammaaday ee 2012.

Barnaamija koowaad oo uu soo jeedinayo Cabdulcasiis Xuseen wuxuu ka hadlayaa dhacdooyinkii Soomaaliya ka dhacay, gaar ahaan; ansixintii dastuurka, dhameystirkii xilliga KMG, dhismihii baarlamaanka, doorashadii madaxweynaha iyo dowladda cusub iyo waliba warar kale.Qeybta danbe ee barnaamijka waxaad ku maqli doontaan wareysi dheer oo barnaamijka uu siiyey ra'iisul-wasaarihii hore ee DKG Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" kaasi oo uu ku qiimeynayo wixii Soomaaliya u suurto galay sannadkii 2012 iyo waliba saadaalin uu ka bixinayo arrimaha Soomaaliya sannadka cusub ee 2013-ka.

Barnaamijka labaad oo uu soo jeedinayo Maxamed Colaad Xasan wuxuu ku saabsan yahay dhacdooyinkii ugu waa weyn ee caalamka ka dhacay, sida doorashadii dib loogu soo doortay madaxweyne Obama, dhimashadii Meles Zenawai iyo qodobo kale.

Labada barnaamijba qeybta hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:32:43 0:00

please wait

No media source currently available

0:00 0:30:20 0:00
XS
SM
MD
LG