Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama iyo Madaxda Labada Xisbi oo Kulmaya


Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama, ayaa Aqalka Cad kula kulmi doona afar hogaamiye oo sar sare oo ka socda labada aqal ee senateka iyo congress-ka, iyadoo waqtigii kama danbeysta haa ee looga hortagayey inuu dhaqaaluhu gabi ka haadana uu soo dhawaanayo

Mr. Obama ayaa maanta oo Jimce waxa uu la kulmi doona hogaamiyayaasha xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga ee Aqalka Senate-ka Harry Reid iyo Mitch McConnell, afhayeenka Aqalka Congress-ka John Boehner iyo hogaamiyaha Dimuquraadiga ee Congress-ka Nancy Pelosi.

Hadii aan dhinacyadu gaarin wax heshiis ah ka hor kowda bisha Janaayo ee sanadka cusub, waxaa kor u kici doonaa canshuurta ay bixiyaan badi dadka Mareykkanka, iyadoo si toos ahna loo dhimi doono kharashka dowladda. Dhaqaaleyahanada ayaa ka cabsi qaba in dhaqaalaha oo markii horeba liqliiqanayey uu dib ugu laabto hoos u dhicii dhaqaale.

Hogaamiyayaasha Jamhuuriga ee Congress-ka ayaa dib ugu yeeray in xubnaha aqalku ay shir isugu yimaadaan habeenka Axadda. Aqalka ayaa howshiisa joojiyey todobaadkii hore ka dib markii ay Aqalka Cad isku afran garanwaayeen iney heshiis ka gaaraan arrimaha dhaqaalaha.

Laakiin Golaha Senate-ka ayaa shaqadiisu aaney jooogsan. Harry Reid ayaa sheegay inay isaga ula muuqato inuu dhaqaaluhu gabiga ka dhici doono, isagoo ku eedeeyey inuu aqalka ku amar ku taagleynaayo uuna aad uga walwalaayo uun inuu shaqadiisa badbaadsado.
XS
SM
MD
LG