Isku xirrada

Martida: Prof. Cabdiwahid Sheekh Cismaan Qalinle


Abdiwahid Qalinle

Abdiwahid Qalinle

Qaar ka mida wadamada reer Galbeedka iyo dalka Kenya ee dariska la ah Somaliya ayaa bilaabey qorsheyaal ay Somaliya iyo xeryo qaxooti oo xuduuda ku yaala ay dib ugu celineyso magangalyo doon Somali ah iyo waliba qaxooti. hadaba barnaamijka Martida Maykarafoonka waxaa todobaadkan Marti inoogu ah Prof. Abdiwahid Sh Osman Qalinle oo wax ka dhiga Kuliyada Sharciga ee jaamacada Minnesota ee dalkan Mareykanka.

Waxa uu kaga hadli doonaa barnaamijkan, waxa uu sharciga caalamiga ah ka qabo dib u celinta qaxootiga Soomaalida xiligan. waxaa kaloo uu sharxi doonaa xeerarka caalamiga ah iyo waliba ilaalinta xuquuqda dadka magangalyo doonka ah ay u leeyihiin in ay nabad iyo xoriyad ku noolaadaan.

XS
SM
MD
LG