Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Sh. Maxauud oo Booqday Kenya.


Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xassan Sh Maxamud iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta booqasho ku tagay magaalda Nairobi ee wadanka Kenya, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey madaxweynaha dalkaasi Mwai Kibaki iyo mas'uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Mwai Kibaki iyagoo ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan wadanka Kenya iyo Arrimaha Jubooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo ka tirsan wafdiga la socday madaxweynaha, ayaa VOA u sheegay in labada madaxweyne ay isku afgarteen in la sii ambaqaado xoojinta xiriirka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Kenya, ayaa waxa ay ku soo aadaysaa xilli ay Kenya amar ku bixisay in qaxootiga soomaalida ee ku sugan magaalooyinka dalkaasi ay dib ugu noqdaan xeryaha qaxootiga ee ku yaalla wadanka Kenya.

Wareysiga Wasiirka Warfaafinta ee kulanka labada madaxweyne halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:52 0:00
XS
SM
MD
LG