Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: 55 Tahriibe Ayaa Ku Dhimatay Dooni Ku Degtay Xeebaha Soomaaliya


Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dooni Talaadadii ku qalibantay xeebaha Soomaaliya ay ku dhinteen 55 qof

Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa iyo 55 qof ay ku dhinteen, markii dooni siday dad tahriibayaal ah ay ku qalibantay talaadadii la soo dhaafay xeebaha Somalia.

Hay’addu waxey sheegtay in doonidu ay rogmatay 15 daqiiqo markii ay ku jirtay safar ay dadkaasi muhaajiriinta ahaa ee saaraa ay ku marsiin laheyd biyaha Gacanka Cadmeen, iyadoo ku sii jeeday dalka Yemen.

Shan qof oo ka badbaaday doontaasi oo dhamaantood ahaa dhalinyaro Soomoali ah oo soo dabaashay, ayaa sheegay in doonidu rarku ku badnaa markii ay ka shiraacaneysay dekedda magaalada Boosaaso.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 23 ka mid ah Muhaajiriintii doontaasi saaraa meydkooda la helay,halka 32 kalena la aaminsanyahay inay biyaha ku hafteen oo ay dhinteen.

Waxey sheegtay hay’addu in tahriibayaal gaaraya 100 kun ay ka gudbeen Badda Cas iyo gacanka cadmeed sanadkan oo kaliya.

Waxaana marka laga soo tago qatarta ay kala kulmaan ciriiriga doonyaha, iyo safarka badaha, waxaa kaloo ay dhibaato kala kulmaan, dadka wax tahriibiya ee doonyaha wata oo dhac, jir dil, iyo xitaa dil u geysta.

UNHCR waxaa kaloo ay sheegtay in 95 qof oo tahriibeyaal ah oo ku safray biyahaasi sanadkii la soo dhaafay , ama la waayay ama ay hafteen oo ay ku dhinteen.
XS
SM
MD
LG