Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Holland: Qaxootiga Dib Haloogu Celiyo Muqdisho


Wasiirka Arrimaha Qaxootiga ee Wadanka Holland Fred Teeven oo la hadlayey baarlamaanka dalkiisa, ayaa sheegay in amaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho uu aad u soo fiicnaaday, isla markaana Soomaalida magangalyadoonka ku joogta dalkaasi dib loogu celin karo Muqdisho iyadoo aaney dhicin wax dhibaato ah.

Dowladda Holland ayaa joojisay inay dib u celiso Soomaalida magangalyo doonka ah, iyadoo sababtuna tahay dagaaladii ka jiray Muqdisho iyo nawaaxigeeda kuwaasoo adkeynayay in magaalada iyo dalka intiisa kale la isaga kala goosho.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wadamada Germany, Sweden iyo Belgium ay dib u bilaabayaan celitaanka Soomaalida magangalyo doonka halkaasi ku jooga.

Mr. Teeven ayaa sheegay in Soomaalida kuwii diida inay si iskood ah u laabtaan laga yaabo in iminkaba lagu xareeyey goobo amaankooda la sugay, wasiirka ayaa waxaa uu intaa ku daray in aan qofna dalka Soomaaliya lagu celin doonin inta baarlaanku uu ka soo saarayo hadal ku aaddan xaaladdan cusub.

Tiro badan oo ah Soomaalida loo diiday in magangalyo laga siiyo dalka Holland ayaa dhawaanahan dhigayey banaanbaxyo, iyagoo ku doodaya inay noloshoodu khatar galayso haddii ay ku noqdaan dalka Soomaaliya.

Wareysi faahfaahsan oo arrintana ku saabsan halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:49 0:00
XS
SM
MD
LG