Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Connecticut: Obama oo la Hadlay Dadkii laga Dhintay


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa wacad ku maray in awooddiisa oo dhan uu u adeegsan doono sidii ayna dib ugu dhici lahayn musiibadii keentay in ay dhintaan 20 caruur ah iyo 6 qof oo qaangaar ah oo dhammaan ku sugnaa dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Newtown ee gobolka Connecticut.


Mr. Obama ayaa Axaddii xalay booqday dad murugaysan oo ku sugan magaalada Newtowon ee gobolka Connecticut, halkaas oo nin dabley ahi uu xabbad ku furay, isla markaana dilay 26 qof iyo waliba isaga hooyadii. Obama waxa uu dadkii murugoonayey u sheegay in aanay kaligood ku ahayn tacsida. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dadka dalka Maraykanka ku nool oo dhami ay la murugoonayaan.


Mr. Obama ayaa sidoo kale sheegay in su’aalo ad-adagi ay hor yaallaan dadka dalka Maraykanka. Waxa uu hoosta ka xariiqay in dhacdadani ay tahay tii aftaad ee dhacda intii uu xilka hayey.
XS
SM
MD
LG