Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Obama iyo John Boehner oo Kulmay


Fiscal Cliff Special Pleadings
Fiscal Cliff Special Pleadings
Afhayeenka Aqalka Wakiilada ee dalkan Mareykanka ee ka soo jeeda xisbiga jamhuuriga , John Boehner, ayaa xalay Aqalka Cad kula kulmay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, si ey uga wada hadlaan, dhaqaalaha Mareykanka ee u muuqda inuu gebi ka sii dhacay, hase yeeshee wax guula ah oo ay wada hadaladooda ka gaareen weli la shaacin.

Labada masuul ayaa wada hadlayay muddo saacad ah . saraakiisha labada dhinaca ayaa ugu yeeray wada hadalada, kuwo si laab furan wax la iskula jeec jeexay, hase yeeshee ma aysan bixin faah faahin intaasi dheer.

Labada dhinacba waxaa looga fadhiyaa inay iksu raacaan barnaamij dhaqaale oo isugu jira dhimista qarashaadka dowladda iyo canshuurta oo la kordhiyo ka hor 31ka bishan December, hadii aney sidaasi yeelinna waxaa labadooduba toos u saameyn doona – natiijada ka dhalata.

Dadka dhaqaalaha ka faalooda ayaa sheegaya in barnaamijkan dhaqaale ee gebiga ka lushaa uu dhaawacayo, dadka dabaqadda dhexe isla markaana uu dalka dib u ugu celinayo mashaakilkii dhaqaale.

Ilaa iyo hadda , Aqalka Cad iyo xubnaha Congresska ee Xisbiga Jamhuriga ayaa isku diiday yaboohyo uu dhinacba kan kale u soo jeediyay.
XS
SM
MD
LG