Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taangiyo la Dhigay Madaxtooyada Masar


Xarunta madaxtooyada ee dalka Masar ayaa maanta la soo dhigay taangiyo si ay u kala ilaaliyaan taageerayaasha madaxweyne Morsi iyo mucaaradka.

Taageerayaasha labada dhinac ayaa xalay waxaa dhexmaray rabshado ay dad ku dhinteen.

Ciidamada Masar ayaa saaka aroortii taangiyo iyo baabuur kale oo gaashaaman waxay keeneen bannaannka hore ee madaxtooyada Qaahira.

Rabshadaha laba dhinac u dhaxeeya ayaa waxaa ku dhawaacmay in kabadan 300 oo qof.

Taageerayaasha mucaaradka ayaa doonaya in madaxweyne Morsi uu ka noqdo wareegtadii awoodda badan uu isku siiyay, waxay sidoo kale ka soo horjeedaa dastuurka qabyo qoraalka ah ee la filayo in bartamaha bishan aftida loo qaado.
XS
SM
MD
LG