Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Garsoorka Masar oo Aqlabay Kormeerida Aftida


Golaha sare ee Garsoorka Masar ayaa aqbalay inuu kormeero Aftida loo qaadayo dastuurka cusub oo dhici doonta 15-ka bishan December.

Afhayeen u hadlay golaha sare ee garsoorka Masar oo ah hay'adda ugu sareysa dhinaca garsoorka Masar ayaa ku dhawaaqay hadalkan. Go’aankan ayaa imanaya xilli naadiga ay ku mideysan yihiin garsoorayaasha Masar ay qaadaceen kormeerida aftida taaoo uu ku sharfay Madaxwayne Mursi ee Aftida dastuurka.

Sidoo kale, urur kale oo ay leeyihiin garsoorayaasha Masar ayaa isna aqbalay inay kormeerayaal ama muraaqibiin ka noqdaan Aftida loo qaadayo, iyagoo diiday go'aanka naadiga garsoorayaasha Masar.

Arrimahaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo wali dalka Masar ay ka socdaan banaanbaxyada lagu diidan yahay wareegtadii madaxwayne Morsi iyo dastuurka cusub ee Masar.

Mucaaradka Masar ayaa wali ku adkeysanaya inay sii wadayaan cabashada iyo dibadbaxyada ilaa iyo Madaxwyane Morsi uu ka laabanayo wareegtada awoodda badan siinaysa.
XS
SM
MD
LG